Services Nooc kasta oo website ah oo aad u baahan tahay, waxa kuu samaynaysa shirkadda Heemaal ee qurxinta, qaabaynta, iyo samaynta website-yada, sumadaha (logos) iyo boodhadhka (banners). Waxa kale oo ay ka caawisaa soo-iibsashada "hosting"ka iyo magaca webka. Shirkadu website-yada laba nooc oo ayey samaysaa, mid "Dynamic" ah iyo "html" ah. Dynamic: waa nooc casri ah oo qofka aan kambiyuuterka waxba ka aqoon, ka yaqaanba si fiican u "control" karayo isagoon wax barmaamij kale isticmaalayn. Qofku isaga ayaa wax gelin kara, kana saari kara webka. HTML: waa mid had iyo jeer aannu u samayno ururrada aan iyagu waxba bed-beddlin ee mar keliya macluumaadkooda gashada webka. Waxay u baahan yihiin inay kambiyuutarka wax ka yaqaaniin haddii ay rabaan inay wax ka beddelaan ama ku daraan. Cidda shirkaddu website-yada u samayno - Shirkadaha (Companies)
- Ururada bulshada (communities
- Ururada samofalka ah (charities)
- Ganacsatada yaryar (Small business)
- Shakhsiyaadka (Individuals)
- Wakaaladaha Wararka (news agents)
- Iyo nooc kasta (others)
Macluumaadka shirkaddu ku samayso website-yada - Email facility: meel qofku emailka website-kiisa uu ka akhristo, waxna ka diro.
- Contact Forms: website-ka meel qofka lagala soo xidhiidho.
- Control panel: meel qofku uu websiteka ka kaantaroolo, waxna ka geliyo waxna ka saaro, wax cusub kaga daro, waa meesha ugu muhiimsan ee websiteka laga maamulo.
- Press Release: Meel warbixinta, war-saxaafadeedka iwm laga sii daayo, qaybtan, laba nooc ayaa loo isticmaalaa, mid aad websitekaaga ku daabacdid iyo mid aad saxaafadda u kala dirtid, adigoon mar walba mid gooni ugu dirayn ama emailladooda ku wareerayn.
- Mailing List: Meel dadka website-kaaga soo booqdaa iska diiwaangeliyaan, ka dibna aad warbixinta ugu dirtid.
- Newsletter: meel dadka kuugu jira "mailing list"ka aad uga diraysid warbixinta, wararka, faallada, ogeysiiska, warsaxaafadeedka iwm.
- Calendar: Meel aad kala soconaysid jadwalka taariikhda. Mararka qaarkoodna waxaannu ku xidhnaa "Archive"ka.
- Archive: Kaydyaal, meel wixii aad websiteka ku qortid maalin walba kuu kaydinaysa, waa xog kaydin.
- Committee Message Board: Meel gaar ah oo maamulka sare ee websiteka, ururka, shirkadda iwm ay ku kala war qaataan, meel ay xogta iyo warbixinta websiteka la xidhiidha isku weydaarsadaan.
- Guest Book: Meel dadka websiteka soo booqdaa ay ku dhaafaan wixii talo, tusaale, xog iyo fariin ah. Waa meel lagu dhaafo aragtida laga qabo websiteka.
- Forum: meel dadka ku xidhan websiteku ay isku waydaarsadaan doodaha, halxidhaalaha, fariimaha, talada iwm. Waa gole ra'yi fidineed oo faallada, falaqaynta iwm lagu qoro.
- Gallery: meel lagu guro sawirrada. Waa albanka sawirrada ee websiteka, tobonaan alban ayaad ka dhex samayn kartaa websiteka.
- Count down: Meel laga tiriyo ama laga ogaado inta ruux ee soo booqatay websiteka. Sidoo kale waxaad ka ogaan kartaa inta ruux ee hadda ku jirta websiteka ee isticmaalaysa.
- donation facilities: Meel loogu talogalay ururada samofalka ah oo ay ku samayn karaan "deeq-ururinta".
Ma u baahan tahay in website laguu sameeyo? La xidhiidh :- Heemaal Web Solutions Suldaan Jaamac 180 Mile End Road London, E1 4LJ Tel: 020 7790 6611 / Mob: 079 0380 2139 Email: info@heemaal.net www.heemaal.net | |
 | | Website-kan oo ah mid "Dynamic" ah waxa aannu u samaynay ururka Aftahan ee dhaqanka, afka iyo suugaanta. Waa webkii ugu weynaa ee shirkaddu samayso, wuxuu ka kooban yahay sagaal qaybood (categories) oo waaweyn. | | | | |
| | |  | | Website-kan oo ah mid "Dynamic" ah waxa aannu u samaynay shirkadda Noor and Co Accountants. Waa shirkad karaani ah oo shirkadaha, ururrada iwm ah xisaabxidhka u samaysa. | | | | |
| | |  | | Website-kan oo ah mid "Dynamic" ah waxa aannu u samaynay Masaajidka Alhuda ee Bariga Magaalada London. Waxa uu leeyahay meel salaadda laga eego iyo qaybo muxaadarooyinka, tafsiirka, siirada iwm, laga dhegeyso. | | |
|
|